Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay soo Afjartay Weerarkii Hoteel Dayax + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Saraakiil ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab Saaka ay ku qaadeen Hoteel Dayax, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac Fara badan.

Wasiiro iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada  ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Weerarku,iyagoo kormeeray qeybaha kala duwan ee Hoteelka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in tirada Dhimashada ay ka badan tahay 10 qof, islamarkaana ay jiraan dhaawac fara badan.

Waxaa bur buray dhismooyin ku yaalay Afaafka hore ee Hoteelka Dayax, maadaama Hotelka laamiga uu ka xigo Hal boos.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan saaka lagu qaaday Hoteelka Dayax, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalamayaan.

Qaraxa-4Qaraxa-5Qaraxa-6Qaraxa-7Qaraxa-1Qaraxa-3

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement