Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Doorashada kuxigeenada Gudoonka Baarlamaanka oo goor dhow bilaabaneysa

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato xarunta Golaha shacabka Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya ilaa 6 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.Jeylaani Nuur Iikar.

2.C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

3.Faarax Sheekh C/qaadir.

4.Khaalid Macow C/qaadir

5.Saciid Xuseen Ciid.

6.Khadiija Maxamed Diiriye.

SIdookale xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10.Maryan Axmed Haaruun

Doorashada maanta ayaa qaadan karta waqti ka dheer doorashadii shalay la qabtay maadaama ay ku tartamayaan illaa iyo 16 musharax.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayeen ilaa 4 Musharax, waxaana ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii Labaad la doortay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement