Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Doorashada Gudoonka Aqalka Sare ee dalka oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana hada socota qaban qaabada Doorashada Gudoobka Aqalka sare ee bilaabaneysa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Doorashada Gudoonka Aqalka sare ka dhaceyso, waxaana wadooyinka lasoo dhoobay ciidamno aad u badan.

Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ayaan xiiso sidaa u badan laheyn marka loo fiiriyo Dooarsahdii Gudoonka Baarkamanaka Aqalka hoose iyo tan Madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan dhacdo.

Waxaa ku tartamaya Doorashada Gudoonka Aqalka sare 16-Musharax oo katirsan Aqalkaasi kuwaa uu mid waliba uu quud dareenayo in uu kusoo baxo kursiga uu u tartamayo, waxaana doorashada ugu adag ka dhaceysa Gudoomiye kuxigeenka koobaad.

Gudoomiyaha Aqalka sare waxaa ku tartamaya labo Musharax kaliya oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana inta badan la saadaalinayaa in Gudoomiyaha uu ku guuleesan doono Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi.

Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaan wali la saadaalin karin, waxaana kursigaasi ku tartamaya Siyaasiyiin saameyn badan ku dhax leh siyaasada, waxaana qaarkood taageero ka helayaan dhinacyo kala duwan.

Halkan ka Akhriso Magacyada 16-ka Musharax ee maanta tartamaya.

Gudoomiyaha Aqalka sare

1-Cabdi Xaashi Cabdulahi,

2-Mustafa Maxamamud Qodax

Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqlka Sare:

Xasan Faarax Xujaale

Axmed Xaashi Maxamud

Cabdiwaxid Ilmi cumar Qoonjeex

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)

Cabdi Axmed Dhuxulow I(Dhagdheer)

Maxamud Axmed Mashruuc

Cabdirisaq Cusmaan Xasan Jurille

Murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Aqalka Sare:

Hodan Maxamud Cusmaan

Cusmaan Axmed Macow

Fartun Cabdiqadir Faarax

Sacdiyo Xasan Csumaan

Cabdikafi macalim Xasan

Mowlid Xussein Guhaad

Iftin Xasan Iman

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement