Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO: Shabaab oo Dad Shacab ah ku xiray Tuulo Barwaaqo ee Gobolka Gedo

Garbahareey-( Rajonews )-Xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay inay dad shacab ah ku xireen deegaanka Tuulo Barwaaqo ee Gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa dadkan ku eedeeyay  inay ka dambeeyeen Dil loo geystay sargaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab, waxaana ay Dadkan weydiinayaan su’aalo adag.

Howlgalkan ay Alshabaab ka sameeyeen Tuulo Barwaaqo ayay ku soo qabteen Dad gaaraya ilaa 7 Ruux, waxaana dhamaantood lagala baxay Guryahooda.

Alshabaab ayaa aaminsan in Dadkan ay soo qabteen ay wax ka ogaayeen Falkii lagu dilay Sargaalkooda C/laahi Qanaas, kaasoo ahaa sargaal sare oo ka tirsan xarakada alshabaab.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa Shabaab ugu baaqay in ay soo daayaan shacabka ay heystaan, hadii taasi ay dhici weydana ay qaadi doonaan Howlgallo lagu soo furanayo dadkan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement