Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Tirada Kooxdii weerartay Hoteel Dayac oo la shaaciyay iyo Wasiiro booqday ..

Muqdisho-( Rajonews )-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amaanka ayaa goordhaw Warbaahinta kula hadlay dhismaha Hoteelka Dayah oo saakay ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/risaaq Maxamed ayaa sheegay in tirada ragii Weerarka kusoo qaaday Hoteelka Dayax ay gaarayeen ilaa 5 Nin oo mid kamid ah is qarxiyay halka afarta kalana uu sheegay in la toogtay kahor inta aysan Hotelka soo gaarin.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in Raga weerarka soo qaaday aysan u suurto galin in ay gudaha u galaan Hotelka, waxa uuna tilmaamay in dhamaantoond la dilay kahor inta aysan gudaha u galin Hoteelka Dayah laguna dilay xaafado ku dhaw Hotelka.

Wasiirka ayaa ku amaanay ilaalada Hotelka Dayah sida ay uga hortageen Raga doonayay in ay soo galaan Dhismaha Hoteelka, waxa uuna intaa raaciyay in dhamaan la bad baadiyay masuuliyiintii iyo siyaasiyiintii gudaha hoteelka ku jiray.

Wasiirka Amniga ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay aad uga xun yihiin qasaaraha xoogan ee weerarkan kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Ku dhawaad 20-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa weerarkan xoogan saakay ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho inta hada la ogyahay uu kasii kordho.

Weerarka saakay lagu qaaday Hotelka Dayah ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana qaraxa kadib dhismaha Hotelka weerar ku qaaday Rag hubeesan kuwaa oo ugu dambeyn la dilay.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement