Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Nabadoon caan ah oo goor dhow lagu weeraray Magaalada Bosaaso

Bosaaso-( Rajonews )-Wararka aan ka heleyno Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawo Dhaawaceen Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen.

Wiilal dhalinyaro ah ayaa Nabadoonka ku weeraray meel aan ka fogeyn Hoteel Yaasmiin ee magaalada Bosaaso, iyagoo marki ay Rasaaseeyeen isaga cararay goobta.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso, waxaana Nabadoonkan uu kamid yahay Nabadoonada ugu caansan deegaanada Puntland Soomaaliya.

Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa ka dhacay maalmihii ugu dambeeyay weeraro lala beegsanayay Masuuliyiinta Puntland iyo wax garadka, iyadoo horay loogu dilay Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement