Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Dab xoogan oo ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha

Muqdisho-( Rajonews )-Wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha gaar ahaan Agagaarka Cabdalle Shideeye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay Dab khasaare geystay.

Dadka qaar ayaa sheegaya Dabkan markiisii hore in uu ku bilowday Burjiko ay laheyd Gabar halkaasi Shaax ku iibineysay oo qabsaday Bakhaar halkaasi ku yaalla oo lagu iibiyo Qaxwada iyo Bunka.

Goobjooge u waramay Shabakadan ayaa sheegay Dabka in uu geystay khasaare hantiyadeed, sidoo kalena laga cabsi qabo in uu ku sii fido goobaha Ganacsi ee halkaasi ku dhow.

Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay u damiyaan Dabkaasi kacay, si uusan u geysan khasaare kale oo dhaaraad ah.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement