Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Adeega Internet-ka ee Magaalada Muqdisho oo dib u soo laabtay

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa goor dhow dib loo helay adeegii Internetka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo maqnaa Saacadihii ugu dambeeyay, iyadoo aan la aqoon sababha ka dambeeyay inuu baxo adeega Internetka.

Xaallad jahwareer ayaana gelinkii hore ee saakayto laga dareemay maqnaanshaha Internet-ka, wuxuuna saamayn ku yeeshay Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn, Warbaahinadda, Shirkadaha Ganacsiga, Xawaaladaha, Diyaaradaha iyo gebbi ahaan macaamiisha kale ee Internet-ka.

Xarumaha Inter café-yadda ee Muqdisho ayaa saakayto haawanayey, marka laga reebo kuwo fara-ku-tiris ah oo ku yaalla Degmadda Xamar-weyne.

Shirkadaha bixiya Internet-ka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hawl ballaarin ah lagu hayey Khadka Internetka  ee Fibre Optic ee soo dhex mara Badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hada si caadi ah ku soo laabtay adeega Internetka, kaasoo u muuqda inuu hayo shaqooyinka ugu badan ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan caalamka.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement