Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay Abaaraha dalka

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan loogaga hadlayay arrimaha abaaraha iyadoo kulankaasina ay ka qeybgaleen safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran .

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe hey’adaha dowladdu ay uga qeyb-qaadanayaan gumadka abaaraha.

Xaaladda Abaarta waxaa la sheegay in shan Milyan oo dad Soomaaliyeed ay saameyn doonto haddii aanan si dhaqsaha ah looga jawaabin xaaladdaasi adag oo ka taagan gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana muhiim ah isku tashiga Soomaalida.

kulan abaar (1)

kulan abaar (2)

kulan abaar (3)

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement