Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO: Musharaxiinta Isbadal doonka oo go’aamo adag ka soo saaray Muqdisho

Muqdisho-( Rajonews )-Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo maanta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha ka taagan magaaladaas, oo ay ugu horeeyaan doorashada iyo Amniga oo khatar weyn ay soo wajahday.

HALKAN KA DAAWO

Qoraalka waxaa aad looga hadlay dhanka Amniga iyo Doorashada, waxaana ay Musharaxiintu muujiyeen cabsida ay ka qabaan hanjabaad iyo dagaalo toos ah oo lagu qaadi karro goobaha musharaxiinta & halista taagan.

Qodobada ay soo saareen waxaa kamid ah.

1- In laga maarmaan ay tahay in la dhiso ciidamo isku dhisan iyo guddiyo si wadajir ah uga shaqeeya Amniga.

2- In la dhiso Habraaca Doorashada, Maaliyadda, lana sameeyo qorshe cad oo Musuqmaasuqa looga hortagayo.

3- In la ilaaliyo Midnimada & Xornimada Soomaaliya, lagana fogaado wax kasta oo sii kala fogeyn kara Shacabka Soomaaliyeed.

4 – Wax ka qabashada Xoojinta Laamaha Amniga ee waqtiga doorashada oo hadda gaaray meel xasaasi ah.

5- Waa in Xoojinta Arrimaha Caalamiga ah iyo Deris wanaaga ay noqdaan kuwa ku dhisan Hababka caalamiga ah, lagana fogaado talaabo kasta oo faragalin sameynaysa.

6- In waqtiga la qabtay ee doorashada Madaxweynaha, aan waxba talo ah laga weydiin Musharaxiinta Doorashooyinka ee qeybta ah arrimaha Doorashada.

7- In Saxaafadda Dawladdu maamusho & tan Madaxa banaan loo ogolaado arrimaha Doorashada tooska loo tabinayo & Dood wadaaagyada socda.

8-In codeynta laga fogaado qaabka kasta oo keeni kara wax isdaba marin, Musuqmaasuq iyo dhawrida xogta codeynta Mudanayaasha baarlamaanku bixinayaan.

9- In la sugo dhamaan Amniga Goobaha doorashada iyo Musharaxiinta Madaxweyne-nimada Soomaaliya, iyadoo aysan kala sareynin jirin.

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8 Bisha soo socota, waxaana magaalada Muqdisho laga dareemayaa Olole xoogan oo ay wadaan Musharaxiinta ugu cad cad qabashada xilka.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement