Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Muqdisho-( Rajonews )-War Qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa si deg deg loogu baaqay xildhibaanada  Soomaaliyeed iyo sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare in ay si deg deg ay u dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, si loo soo gaba gabeeyo doorashada dalka oo mudo dheer qaadatay.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka Baarlamaanka Aqalka Sare.

Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo dhaawaceysa sharaftooda iyo masuuliyadooda, waxaana looga digay inay sameeyaan musuq maasuq.

” Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qancikaraan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement