Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Aqriso: Nin warqad layaab leh u qoray qoys Muslim ah gudaha Mareykanka

USA-(Rajonews) Nin u dhashay dalka Mareykanka gaaar ahaan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu gacantiisa ku sameeyay waxa uu hordhigay aqalka reer Muslim ah oo ay daris yihiin, kuwaas oo ay amakaag ku noqotay warqadan inta aysan furin,  balse dhacdo layaab leh ayay kala kulmeen gudaha warqada markii ay fureen.

Dhanbaalkan uu dariskiisa u diray waxa uu imanayaa maalmo kadib markii dalka Mareykanka ay hareeyeen dibadbaxyo ay dhigayeen Malaayiin Mareykan ah oo Haween u badan kuwaas oo ka soo horjeeday maamulka Cusub ee mareykanka,  oo ay ku dhaliilayeen in uu kala qoqobayo isla markaana meelka dhac weyn u gaysanayo qeybo ka mid ah bulshada Mareykanka.

Waxa uu warqadan ku shegay isbadalka uu dalka Mareykanka galay iyo in madax kala qoqobaysa dadka ay iminka maamulka la wareegeen, isaga oo arintaasi ka xun ayuu fariintan u qoray waxana uu yiri.

” Dariskayga qaaliga ah

Maanta waxa uu dalkeena galay waji cusub, lakin si kasta oo ay ahaato, Fadlan waa in aad ogaataan in ay jiraan dad badan oo wanaagsan kuwaas oo u dagaalamaya sidii aad xaquuqdiina ku heli lahaydeen Diintiinana aad u gudan lahaydeen si xor ah.

Waxay kale oo u kuwaasi u dagaalami doonaan in aad u noolaataan si aan kala sooc lahayn.

Dariskeenoow kusoo dhawaada Gacmo furan Hadii aad wax nooga baahataan Fadlan soo garaaca albaabadeena oo ah kuwo idiin furan”

Dhanbaalka Ninkan uu dariskiisa u diray waxa uu imanayaa xili ay cirka isku sii shareerayso cabsida laga qabo in dalka Mareykanka ay ku soo bataan dadka ka soo horjeeda ama neceb dadka Muslimiintaa, sida ka dhacday meelo badan oo ka mid ah gudaha Mareykanka, hadana waxa uu muujiyay sida Bulsho walba ay u leedahay dad wanaagsan oo u taagan sidii bulshadu ugu noolaan lahayd si siman oo aan kala sareyn iyo neceyb lahayn.

Hoos ka aqriso warqada oo English ku qoran

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement