Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

AKHRISO: Magacyada Musharaxiin fara badan oo Maanta is diiwaangaliyay + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Illaa Afar Musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah iska diiwaan geliyay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha, iyadoo maalinta berri ay ku egtahay waqtiga loo qabtay in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isku diiwaan geliyaan.

 

Musharaxiinta saaka is diiwaan geliyay, ee buuxiyay shuruudahooda, isla markaana shubay lacagta loo qoondeeyay Musharaxiinta ee ah $30,000 ayaa waxay kala yihiin Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, C/naasir Cabdulle, Bashiir Raagge Shiiraar iyo Amb. Maxamed Cali Ameeriko, iyadoo siyaasiyiintan ay yihiin kuwa magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed.

Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha ayaa ansixiyay Musharaxnimada afartan ruux, iyadoo la siiyay shahaado cadeyneysa Musharaxnimadooda.

Ilo ku dhow dhow Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Shabakadan Rajonews in ku dhowaad 10 Musharax ay is diiwaan geliyeen, iyadoo la filayo in Musharaxiin dhowr ah gelinka dambe ee maanta illaa berri gelinka hore inay is diiwaan geliyaan.

Musharaxii u horeeyay ee is diiwaan geliyay waxaa uu ahaa Madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo maalintii khamiistii iska xaadiriyay xarunta Guddiga doorashooyinka ee Villa Hargeysa, sidoo kale waxaa iyana is diiwaan geliyay Cumar C/rashiid, C/qaadir Cosoble iyo Maxamuud Maxamed Culusow.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in maalinimadii shalay jimco aheyd uu is diiwaan geliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo la sheegayo in shahaadadiisa Musharaxnimada uu u qaaday Wakiil ka socday madaxweynaha oo isaga aan lagu arag xarunta Gudiga doorashooyinka madaxweynaha.

Diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa la filayaa in maalinta berri oo ku beegan 29 January la soo gaba gabeeyo, waxaana kadib bilaaban doona khudbadaha musharaxiinta, iyadoo la dhageysan doono musharax kasta iyo wax qabadkiisa.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 10 maalmood kaddib, taasoo ku beegan 8-da bisha Febraayo ee soo socoto, waana maalin ay wada sugayaan Umada Soomaaliyeed.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement