Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ajakis oo Muqdisho lagu soo celiyay, kana hadlay qaabki ay ula dhaqmeen Soomaaliland

Muqdisho-( Rajonews )-Majaajiliistaha caanka ah Cabdi Muriidi dheere oo loo yaqaan Ajakis ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo musaafuriyay magaaada Hargeysa.

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay Ajakis xili uu ka degay garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, waxaana Majaajiliistaha mudo saacado ah uu ku xirnaa garoonka iyo saldhig booliis.

Ajakis oo markii uu laga soo dejiyay magaalada Muqdisho la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay intii yareed uu Hargeysa joogay, waxa uuna tilmaamay in uu jir dil kala kulmay maareeyaha garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Waxa uu sheegay Ajakis in dhibaato badan uu kala kulmay xabsigii uu xalay ku hoyday, waxa uuna tilmaamay in xanuuno uu qabay ay kusoo kaceen uuna dhibaato uusan hilmaameyn kala soo kulmay magaalada Hargeysa.

Majaajiliiste Ajakis ayaa shalay lagu xiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland xili uu garoonkaasi Transit kusii marayay kuna sii jeeday magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Somaliland.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement