Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Soomaaliya oo soo martay Marxalado kala duwan oo kala wanagsan

 Abwaan Soomaaliyeed   ayaa  yiri  Haddii  Dhayda lawaayo Ciirtu waa dhadhanta  oo Dhaylo waa subag siin}:: tasoo micno ahaan muujinaysa   haddii Caanaha dhayda la waayo  in Cuurtu  dhadhamayso oo  ay booskii  Dhayda galayso,

 

Soomaaliya  waxay soo martay maraxalado kala duwan Ummadda Soomaaliyeed waxay mar kaste  kudaamayeen inay mar uun heli doonan xasilooni  iyo Dawlad hanata  haykalka Dawladnimo. 1991, waxaa burburtay Dawladdii dhexe ee Jamuuiriyada Dimuqraadiga Soomaaliya ee Milatarigu  hogganka u hayey, kadib  waxaa bilaamay kala carar iyo Dawlad la`aan.

 

Sagaal  Sanno kadib Soomaalida waxaa  dib u heshisiin loogu qabtay Carta oo  ah Jabuuti waxaana lagu dhisay Dawlad  loogu magac daray dawlada ku meel garka ee Soomaaliya  waxaana la siyey muddo  Seddex  sanno ah si -ay   Dadka Daggaalka sokeeyo dhex maray   dib u heshisiin ugu samayso    iska daa inay Soomaalida heshiis dhex dhigtee   waxay soodhaafi wayday xafadii  ay Muqdisho ka dagganeyd..  waana marxalad   xasuus mudan..

 2002, Waxaa Soomaalida  shir loogu qabtay (Eldoret) oo ah Kiinya   shirkaas  oo ahaa sida taariikhda ku xusan  shirkii 14naad ee Soomaalida lagu heshisiinayo   wuxuuna dhaamay shirarkii ka horeyey oo dhan.

 

15,09 2003/ Waxaa lagu heshiiyey  in Soomaaliya  loosameeyo  (Axdi) kumeel gaar ah iyo in dawlada la dhiso  marxaladan ayaa ka timid markii Dawladdii  Carta lagu soo dhisay uu xiligeedii dhamaday waxay  dalka ka qabatayna aysan jirin  Ergooyinkii shirka Kenya jogay ay dorten 275, xildhiban oo lagu soo xulay Hannan qabiil oo loogu magac daray Afar iyo Bar 4.5 Dawladdas  waxay qatatay magaca  Dawlad  Federalka ee Soomaliya (DFKMG) tani   waa marxalad  iyo Dawlad lagu soo dhisay dalka Soomaaliya meel ka baxsan  waana marxalad xasuus mudan. Waxaysa ka tagtay dhaxalka manta la haysto. 

 

2009, Dalka Jabuuti ayaa Soomaalida  waxaa loogu qabtay  shir  waxaana lagu doortay Madaxweyne kasoo ahaa Shariif  Shiikh Axamd  waxaana  doortay  Barlamaan  dhawr boqol ah  waana Dawlad kale oo dilka dibaddiisa lagu soo dhisay kadib markuu xilka iska casilay Madaxweynuhii  Kenya lagu soo doortay ee Cabdulahi Yusuf.  Tani waa marxalad kale   waxayna dadka Soomaalida xasuusin doona in 500, oo xildhiban Soomaalida loosamyey waxaysa reebtay inaan ka baxno ku meel garnimadii..

 

2012,  Waxaa dalka gudihiisa  Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed kusoo xulen  xubno Barlaman iyadoo laga tix racay  hannankii qabiilka ee 4.5, Barlamankaas  wuxuu  doortay  Madaxweyne Xasan Shiiikh Maxamuud oo  si xora  ugu  tartamay doorashada, marxaladan waxay dadka Soomaaliyeed ku dhalisay rajo weyn iyo saxansaxo) Dawladnimo  waana marxaladdii  ugu wanagsanayd  tan iyo  burburkii Soomaaliya. Xiligas waa 2012kiiye, Soomaaliya waxaa ka hartay magacii ku meel garnimada  waxaana Dawladdas  loogu magac  Dawladda Federalka ee Soomaaliya. Waxaa dalka ka dhismay maamul Gobolleedyo,

 

Marxalada  ugu dambaysa ee hatan lagu jiro  Soomaaliya waxay kasoo kabaneysa  dhacdooyin murugo iyo xasuus reeb leh, waxaana is dhihi kara waa  marxaladii  ugu fiicnayd ee ay arkan jiilka dhashay wixii ka dambeyey sagaashameeyaddii, 

 

Xubnaha Barlamanka  halkii xildhiban waxaa dooranaya  51, Ergo   doorashadu waa mid Santuukh cad la isku dooranayo  xubnaha  Barlamaanka noqonaya ayaa   u tartamaya kuraasta, Soomaaliya waxaa lagu soo kordhiyey  Aqalka Guurtida ama Aqalka Odayaasha.  Doorashada  Soomaaliya ka qabsoomi doonta ma ahan mid Qof weliba codkiisa dhiibanayo laakiin waxay ka ficantahay dhamman doorashooyinkii Soomaaliya soomaray tan iyo wixii ka dambeyey burburkii   14,25 Soomaali ah ayaa cod biixin galay.  Soona doortay xildhibano.

 

Ugu dambayntiina  Soomaaliya waa  wanagsan tahay  waxaa  hogganka haya madaxweyne  aan kumel gar ahayn  wuxuu ogol yahay in lala tartamo waxaa dhismay  lix maamul Gobolleed,   waxaa  dhammaaday  daggaalkii sokeeye  waxaanu sugayna inaan  gaaro inan helo hannan doorsho oo  Qof weliba codkiisa siiyo  mawadinka ku haboon hogganka dalka.

 

Marxalado kala duwan oo kala wanagsan

Caadilow   Nabad caama

Dalka wada camirta

 

Cabdinuur Faarax maxamuud 

Falanqeeye  arrimaha Soomaaliya

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement