Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Keating iyo Madashii Wada-tashiga baa odayaashii beelaha kaalintoodii qaatay! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

{Xil-DHibaannada cusub cid kastaba ha soo xusho, si kastaba ha ku soo baxaan, laakiin ha gartaan kuwa soo xulay,iyo kuwa laaluushka la daba ordaya dalka kama laha, Waxay maanta gooyaan baana Gun-DHigga Aayaha dalka noqonaya!!}

keating-iyo-madashii

 

Waan hubaa inuusan ninna innaga adkayn! Ninna inna qasbi karin!….Ninna uusan ina dagi karin! Allow maxaa dhacay!!…Yaa!…. wadankii oo dhan waxaa rogay lacago laaluush ah, waxaa rogay lacago burcad shisheeye ah laga soo baryay oo la doonayo in hoggaankii ummadda oo dhan loogu iibiyo mid iimaanka laga suushay oo uu soo lacageeyay !…..Q aylaa yeedhay!…”Waa-Wareey! Waa-Wareey!” Markaasaa la yiri “War xagee baan u cararnaa?!” argagixiii markuu batay baa oday yiri “War aan Misaajidka u baqano!” markaasaa la yiri “Qayladaba Misaajidka laftiisa ka bilaabatay!”….Xasan SHiikh Max’uud iyo rag badan oo noociisa ah waan arkaynay, waxa ay samayniyaan afartii sano ee ammaannada ay hayeen waa loo jeeday……laakiin is ma aan lahayn xaalka dalka iyo ummadda baa heerkaan gaari kara!……Isma lahayn dadnimadii, sharaftii, iyo qaranimmadii ummadda baa shilimaad la soo tuugsaday ama hay’ado sama-fal laga soo qaaday wax loogu dhimi karaa!…..Waxaan lahaa DHallin-Yaradii baa joogta, waxaanse arkay intoodii badanayd oo musuqmaasuqa adeegayaal ka noqday!….Waxaan is lahaa Culumaa joogta!…. Waxaan is lahaa Odayaashii ummaddaa jooga!…..

Xil-DHibaannada cusub waa la ogyahay sida ay ku yimaadeen, mana ah wax qarsoon in qaab gaar ah lagu soo saaray oo ka duwan kii lagu heshiiyay ee ahaa in odayaasha beelaha ay soo xulaan! Waxaan garanaynaa in xilligii doorashada madax-weynayaashii ku-meel-gaarka ay odayaasha soo xuleen xil-dhibaannada iyadoo aysan cidna ku faro gelinayn, laakiin waxa hadda dhacay waxay ahayd farsamo la adeegsaday magacii odayaasha oo wixii la doono lagu samaystay…..waana la yaqaanaa cidda wax inoo soo xushay iyo cidda wax inoo doortay inaysan ahayn odayaashii beelaha, kaaga daranee kuwii codeyniyay, iyo guddiyada doorashada ilaa heer federal iyo mid maamul-goboleed, waxay ahaayeen silsilad isku xiran oo ay isku ogaayeen Michael Keating iyo wixii loogu yeerayay Madashii –Wada-Tashiga…..Keating iyo kooxdiisa Madasha Wada-Tahsiga waxay sameeyeen indho-sarcaadin, waxay yiraahdeen odayaasha beelaha ha soo xulaan xil-dhibaannada hadana meel dhexe ayeey u fariisteen oo iyagii ayaa kay doonaanana soo dooratay kaysan rabinna eryay!….

Turkiga, iyo Ingiriiska lacago badan bay baxsheen waxaana la oran karaa lacagahaas ma ahayn kuwo si xisaabtan dowladeed ku salaysan loo siiyay dowladda Soomaaliyeed laakiin si ula kaca ah waxaa loogu talo galay inay gacanta Xasan SHiikh Max’ud galaan!…Tusaale ahaan xogta aan qarsoonayn waxaa ka mida ah in dowladda Turkiga ay sheegatay in bil kasta ay Soomaaliya siinaysaysay 2 million oo dollar oo cadddan ah (Cash) marka xukuumadda Soomaaliya ama Turkiga midna ma sheegi karaa waxa ay lacagtaas ku magacownayd iyo in wax lagu qabtay iyo in kale?!…..jawaabtu waa Maya haddii aan been la sheegayn, Boqortooyada Midowga Britain warar aan wali rasmi ahaan soo bixin ayaa muujinaya in malaayiin dowladda Soomaaliya loogu deeqay looga baqayo inay galeen gacanta Al-SHabaab!…..Al-SHabaab!…magac la helay dheh, mar dhallin-yaradii dalka ha lagu laayo!…..Mar lacagihii nin la siiyo ha lagu nabo!….Mar…magac la helay dheh.

Abaar baa dhacday, xil-dhibaannadii tobanaan kun baa laga qaaday!….weydiin fudud hal nin oo ka mid ah xil-dhibaannada ama murashaxiinta oo gurmadkii abaaraha kun dollar ku baxshay ma jiraa?! Uma malayniyo

…….Mar haddii laaluushkii, dhacii, eexdii, iyo musuqmaasuqii ay sharci yihiin oo mas’uuliyiinta dalka hoggaamin lahaa ay sidaas ku soo baxayaan, maxay tahay abaarta aan raabno inaan ka baxno?! Maxaa loo waayay qof keliya oo magac leh oo waxa socda diida?!…..Malaayiin, malaayiin, iyo malaayiin ayaa la baxshay si looga hor joogsado hoggaanka siyaasadda qof kasta oo ummadda ama dalka wax ugu ooli lahaa!….. Lacagahaan Xasan SHiikh Max’ud waa loo soo dhiibay, waa la soo siiyay, waxaa yaab leh (Wax aan kaa yaabinayan dalkiiba kama jiraanee!) maxaa loo waayay gobol keliya oo shacabkiisu ka dhiidhiyaan arrintaas?! Maxaa loo waayay DHalin garata dagaalkan dhaqan baabi’inta ah (Opium War) ee daibadda laga soo abaabulauy?!…..

Nin ka mid ahaa raggii ku talo galay inay u tartamaan aqalka hoose laakiin markii dambe isaga baan oo aan weydiiyay sababta uu uga haray?!…..SABAB lagu qoslo! Wuxuu ii sheegay in kursigii ama xubinimmadii golayaasha ay noqotay sidii nin soo aaday suuqyada saamiyada lagu kala gato (Stock Market) wuxuu ii sheegay inuu dareemay ceeb iyo yaxyax markii uu arkay niman lacago laga tirsanayo isagna si bareer loo weydiiyay “Immisaad haysataa?!” waxaana taas ka daran, in qof kasta oo aad la kulanto uu ku weydiinayo isla su’aashaas; ama shacab ha ahaado, ama mid wax dooranaya ha ahaado, ama mid tartamaya ha ahaado!….” ayuu yiri ninkaas…..

{Michael Keating, wuu ku guuleystay Inuu Odayaasha DHaqanka nabsado! Xil-DHibaanno aan kor u soo eegi karin ay labada aqal soo galaan!!}

Odayaasha-DHaqanka, magac been ah baa raacay!….Mana ahayn in Xil-DHibaannada la soo doorto haddii ay 4.5 ku imaanayaaan sidii horayba u dhici jirtay in Michael Keating iyo waxa Madasha Wad-Tashiga lagu magaacabay inay faraha la galaan xulitaank xil-dhibaannada!….Ha inoo xummaadaan, ha inoo fiicnaadaan, kolayba haddii dad-weynihii xaqoodi codeyntai loo diiday, ma ahayn hadana Michael Keating dadkii madaxnimmada u tartamayay ee ay isaga shirkadda ahaayeen intay doorasho been-been ah qabtaan ay xil-dhibaano inoo soo doortaan!…..Michael Keating, isagu wuxuu hubasnayay in lacagta faraha badan ee ka baxday Midowga Boqortooyada Britain dantii laga lahaa lagu fuliyay!……Markii u horeysay wuxuu qasab ka dhigay in la qaato oo wax lagu doorto 4.5, ka dibna wuxuu dhamays tiray khariidad uu magacii Odayaasha Soomaaliyeed isticmaalayo laakiin aysan maamulkeeda iyo taladeeda waxba ku lahayn!…..waxaana jira odayaal iyagoo qaylinaya dadkii ay wadeen lagu bedelay dad kale, cabashadii ay jeediyeenna uu laalay Cumar-DHegeey oo isagu aad moodo inuusan ogeyn xil qaran in loo dhiibay…..

{Madax-Weyne rumaysan ilmaha dhibaataysan inuu xil ka saaranyahay waxa Beesha Caalamka loogu yeero!}

Waxaa ceeb ah in nimankii la aaminay ee madaxda maamul goboleeddada ahaa ee ka qayb galay shirarkii ay ugu magac dareen Madashii Soomaaliyeed ay oggolaadeen in dowladda xilkeedu dhammaaday ay xafiisyo musuqmaasuqa hannaanka doorshada ka furato maamul goboleeddada. Waxaa iyagana arrintaas eeddeeda wax ku yeelanaya odayaasha-dhaqanka laftooda, iyo dad-weynaha deegaannadaas, maxaa yeelay xil-dhibaano ay beelo soo xulanayaan murashax madax-weyne u tartamaya xafiis uma furan karo soo xulidda xil-dhibaannadaas, haa haddi ay deegaan ku salaysantahay, oo arrintu ay xizbiyo tahay, xizbi kasta wakiilkiisa ama taageerayaashiisa xafiis ay ololohooda doorasha ku agaasimaan ama shirarkooda…..Laakiin sida hadda dhacday!…..Niman waziiro hore leh, xil-dhibaano hore leh oo boorsooyin lacago ah wata oo Xasan SHiikh Max’ud u ololeynaya baa soo fariistay irradaha meel kasta oo la yiri xubnaha labada aqal baa lagu dooranayaa, guddiyada doorashadana kuwo heer maamul-goboleedyo iyo midka federal-ka ay sidaas kula shaqeeyeen.

Qarnigii 21aad baa waxaan qarka u saarannahay inaan noqonno dalkii ugu horeeyay ee Afrika ee uu gumeysigii mar kale dib u qabsaday!….Waxa dhacay iyo sida koox yar oo siyaasiyiin sheeganay oo jeebabka looga soo buuxiyay lacago kaniisado laga soo ururiyay ay nidaamkii ummadda u duleeyeen waxay ku tusaysaa ayaan-darrada iyo sida guumeysigu ugu guuleystay inuu marin habaabiyo talladii dalka!…….Markii hore waxaa laysku dayay in annaga laysku kaaya laayo!….Malaha sidii la rabay uma aysan shaqayn, waxaa laysku dayay Wax-Garadkeena in laga fogeeyo oo dalka laga saaro! Mala sidii la rabay waa u shaqayn, waxaa laysku dayay in qaarkeen laynoo adeegsado oo laynagu maamulo, malaha sidii la rabay uma shaqayn!…..markii dambe waxaa laynoo adegsaday ciidamo dalalka deriska ah iyo in yar oo lagu Afrikaaneeyay si aan loo dhihin Gumeysi baa Soomaaliya qabsaday, malaha sidii la rabay uma shaqayn!….Hadday waxay maraysaa in dhaqankii laynagala dagaalo!….

{Xil-DHibaannadu ma aha Robots niman lacag wataa ay barnaamij ku shubanayaan! Sida ay meelo badan kaga Sheekeeyaan dadka lacagaha wata!}

Arrintu waxay gaartay in qaadkii qasab laynooga dhigay!…..Waxaa xudduudihii loo furay dalalka deriska ah dadkoodii oo waxay doonayaan dalkii soo geliyay!….KHamrigii baa caruurtii yar-yarayd la baray!…waxaa si rakhiis ah dalkii lagu soo geliyay qaybo kala duwan oo maan-dooriyeyaal ah haba ugu badnaado Xahsiishkee (Marijuana) in kastoo aan dagaal xooggan lagala hor imaan haddana dhaqankii wanaagsanaa ee mujtamaca ayaa si adag isu hor taagay. Waxa dhacay waa dhibaato dhabarka looga jabiyay dhaqankii ummadda, markii wixii xumaa caado looga dhaigay, oo aysan ceeb ahayn in laaluush la qaato oo sidaas xil ummad leedahay lagu qabto, oo aysan kuwii xilka loo qabanayay aysan ka dhiidhiyeyn sharaftooda la iibsaday!…waxa Beesha Caalamka loogu yeero Waxa Ay Ina Badeen Waxaa Inooga Daran Waxa Ay Ina Bareen!… In xilka la yaboohsado oo inta qof uu soo kaco uu mid kale ka baryo inuu wax ka dhigo! Culummadii maxay arrimahan uga aamuseen?! Aawaye odayaashii beelaha?! Aamusnaanta waxay fursad u tahay qof kasta oo ma xishooda ah oo aan xil-kas ahayn.

{Waqtiga Doorashada Af-Hayeenka iyo Madax- Weynaha Iyo habka loo sugayo ammaanka waxaa soo jeedinaya Xil-Dhibaannada iyo Murashaxiinta}

Waxaa intaas ka daran sababta ay kaalintooda u qaadan waayeen murashaxiinta kale ee u tartamaya xilka madax-weynaha, waxaad moodaa sabab qarsoon oo ay ogyihiin oo aamusiisay inay jirto!….oo maxay noqon kartaana?! Wax kasta oo khuseeyay murashaxiinta waxba laga weydiin maayo waxaan go’aan ka gaaraya murashax Xasan SHiikh Max’ud, Michael Keating iyo inta la shaqaysa ee ay ugu horeeyaan maamul-goboleeddada. Michael Keating khayaannada uu mareegayo waxaa laga arki karaa go’aannada uu soo saarayo, sida inuu qabto maalin doorashadu dhacayso, iuu is dhaafiyo murashaxiinta kale ee tartamaya Xasan SHiikh mooyee, kaalintoodiina uu gashto Madasha Wada-Tashiga….Wuxuu khilaafay isagoo shaki la’aan dano gaar ah ka leh sidii dhaqanka doorashooyinka noocaan ahaa loo qabanayay xilliyadii Cabdullaahi Yuusuf iyo SHiikh SHariif Axmed, oo ahayd in xil-dhibaannada iyo murashaxiinta oo wada fadhiya ay ku heshiiyaan waqtiyada la kala qabanayo doorashada Af-Hayeenka iyo tan madax-weynaha…..

Xil-DHibaannada cusub noqon maayaan sida dad badan ay iska dhaadhiciyeen, noqon maayaan dad damiiniin ah sida ay iska dhaadhiciyeen Madasha Wada-Tashiga iyo Michael Keating, mana noqonayaan Robot-yo barnaamijyo niman soo diyaarsadeen lagu shubto!….Dal baa loo doortay, ummad dhan baa ka dhur sugaysa, ilmaha yar ee harraadka iyo kulaylku ay cidllada ku dileen iyaguu ka rabaa inay u soo doortaan ninkii u adeegi lahaa, ninkii isu xil-qaami lahaa, ninkii dar-yeeli lahaa naftiisa iyo duunyadiisa (Allaah bay u baahanyihiin ee cid kale uma baahna)…..Madax-Weyne rumaysan in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay mas’uul ka tahay wax u qabashada shacabka dhibaataysan!…..Xil-DHibaannada iyaga oo la tashanay murashaxiinta madax-weynenimmada ayaa la doonayaa inay taariikheeyaan maalinta ay dhacayso doorashada madax-weynaha iyo midda af-hayeenka golaha shacabka….waxaana loo baahanyahay inay ka fekeraan nidaamkii loo ilaalin lahaa nabad gelyada goobta ay doorashadu ka dhacayso iyo Xil-DHibaannada wax doorana iyo murashaxiinta tartamaya!….Keating iyo saaxiibbadii, yaa huba inaan goobaha doorashada cidna lagu rasaasayn doonin?!……

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement