Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Hogaamiye Daacada Allow doorkan nagu aadi.

Darbad qabow badan iyo haduu Dayru-dhaafku kugu kaco

Dugsi aad gashiyo waa muhiim Dogobyo kuu shidane

Doqon baan ogeyn halkay Doogtu kaga taale

Dambaaburo waxaa jira kolkaa diirka kaa guba e.

 

Shacab daldallan oo dunjigii daamur lagu laayay

Dariiqyada kuwii warey ee doonta ku xaraashay

Dooxatada kuwii sadey ee daaqa oranaayay

Mindida uuska daaqishaa kuwii daabka kaga joogay

Doraad hasheenii dahneyd kuwii dararti naga gooyay

Diiday kuwii yiri midnimo dowga lagu gaaro

Dayoowgaan kuwii na badey doxoro waa iyaga e

In duubab loo xiroo dowlad lagu sheego

Dan ninkii moodayoow waa dood inoo furan.

 

Deelayda maanseed kadawe dahabka moodaysay

Dabuubtaadii wacneyd runtii waan ku diirsadaye

Golaha dollar maalka ahee shacbiga daafi lagu siiyey

Adigaa daliilshaye ana aan diirka ka cadeeyo

Inkastooy daruuruhu da,aan oo daadku nagu jiifo

Oo dareemadii baxdiyo dixidu xaad moodo

Duunyaba nimaan lahayn iyo doqoni waa mooge

Inantii qurux daahirtee uunka wada deeqday

In kastoo rag daahira doonis ugu joogo

Aragtida ninkii dam’a iyo doqoni waa mooge

In xisaab dambeysiyo naar la isku dalaqsiiyo

Oo xilku dabin yahoo lagu dakaamaayo

Goloha Dollar maalkiyo malaal doqoni waa mooge

Dalka iney iyagu leeyihiin oon Dollar laga siisan

Difaacuna xaq waajiba yahoo diinta lagu sheegay

Golaha Dollar maalkiyo malaal doqoni waa mooge

Allow shacabka diifaysan kuwaan diirka ka hulaaqin

Danta guud kuwaan daba marin damacna saan qaadin

Dowga saxan kuwo raacayoo jira Allow doorkan nagu aadi

Madaxweyne aan dooranoo shacabku doonaayo

Hogaamiye Daacada Allow doorkan nagu aadi.

 

W/D Wariye Xassan Xalane.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement