Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Doorka culumada ee ka hortagga Musuq maasuqa Soomaaliya! W/Q Imam Hassan Jaamici

8)إن فرعون وهامان وجنودهما كانوا خاطئين ﴾ (القصص

Imam Hassan Jaamici

Imam Hassan Jaamici

Ilaahey wuxuu aayadda ku leeyahay: ” Fircoon, Ra’iisal Wasaarihiisa Haamaan, iyo Cidamadooda waxay wada ahaayeen dambiilayaal. (Micnaha Guud): ” Madaxweynaha Ummad Kasta, Ra’iisal Wasaare Ummad kasta, inta la shaqeysa iyo cidimada oo dhan waa dambiilayaal haddii hal nidaam ay ku wada jiraan”. Madaxweynaha ama PM ama Wasiirada cidna gooni looma eedeyn karo waayo waa wada hal nidaam oo wada socda. Haddii aad rabto inaad eedeyn ka nabad gasho waxaa waajib kugu ah 3 arimood:

1- Farta ku fiiq fasaadka iyo musuq musuq maasuqa iyadoo qoraal ah oo cambaaree

2- Adigana shaqsiyan waa inaad nadiif ama bari ka ahaataa fasaadkaasi

3- Waa inaad marta waddo kasto oo aad ku joojin karto adigoo nidaamka ku jira

4- Waa inaad is casishaa haddii albaabada joojinta musuq maasuqa ay ka soo xirmaan ( ha noqon XAARAAN KU NAAX).

Marka hore Sh. Nuur Baaruur, Sheikh Bashir Salad iyo kuwa ka hadla dulmiga Soomaali ka jira iyo musuq maasuqa Ilaahey ha ayido oo ajar iyo thawaab ha ka siiyo. Laakiin waxaa loo baahan yahay dhamaan culumada gudaha iyo dibadda jooga inay ka hadlaan in musuq maasuqa baahay ee Soomaaliya ka jira oo khatar ku ah jiritaanka iyo madaxbanaanida Soomaaliya oo dhan.

Waa in ay culumada bayaamiyaan inuu musuq maasuqa baahay ee kala gadashada kuraasta xildhibaanada uu yahay ficil xaaraam ah oo qofkiisa cadaab iyo caro muteysanayo waayo Nabiga NNK wuxuu yiray: ” Ilaahey naxriistiisa ha ka fogeeyo ruuxa laaluushka bixiya iyo kuwa qaata”.

Culumada haddii badankooda ay ka aamusaan dulmiga iyo musuq maasuqa baahay ee noqday Kansar ku faafayo jirka Soomaalinimada ka dib waxaa fasaadayo nidaam ka dowladeeda min Madaxweyne ilaa askariga ugu darajo yar.

Waxaa jira athar ama xikmad Islaami oo dhahaysa “لا يفسد الامراء الا نفاق العلماء” Micnaha: ” Madaxda inay musuq maasuq sameeyaan oo ay fasaad dhexgalaan waxaa sabab u ah culumada oo munaafiqiin noqdeen (kuwa wajiyo badan oo aan xaqa sheegeyn).

Sidaa darteeda madaxda dowladda golaha ku jirta kaaba qabiilada (ugaas, islow, malaaq, boqoro, salaadiin iwm) Ilaahey ha ka baqeen oo ha ogaadaan markay berito ama saacado ka dib dhintaan inaan ruuxna qabriga la galayn oo camalkooda kaliya la geli doonaan.

____

Imam Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D. in America Law & Ph.D. in Sharia Law.
Professor of Islamic University of Minnesota

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement