Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

KAMA QUUSAN DALKEYGA ( QEYBTA 1AAD) W/Q Maxamed Cabdirasheed Jaratoos

Akhristow waa qoraalo taxane ah oo aan ugu talagalay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogto iney ka daalacdaan waxyaalo kobcin kara garaadkooda bulshonimo.

5f6e7d128aad4c3cb4bde5ee33624243_18

Soomaaliya dhibaato iyo daruufo adag ayeey soo martey laga soo bilaabo markii dowladii marxuum Maxamed Siyaad Bare ay meesha ka baxdey.Dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin aad u daba dheeraadey oo ay weheliyaan abaaro iyo haraad ku soo noqnoqonaya dadka iyo duunyada,haddana markaad fiiriso inta badan Soomaalida maskaxdooda waxaa ka guuxaya iney dhibta ka baxaan balse qaabkii looga bixi lahaa aan wali si fiican la ıskula fahmin una baahan lafogurid dhab ah.Tusaale nadaamka goboleysida waa qaab lagu raadinayey in Soomaalidu wax isku darsato kalsoonidooduna ay dib u soo noqoto.Balse taas waxaa ka muhiimsan in Soomalida dalka iyo dibada la tuso cadaalad dhab ah.

 

 

Erayga cadaalada waa eray qaraar marka la raadinayo ama wax laga qorayo ama bulshada dhexdeeda laga oranayo balse waxa uu dhalaa geed harweyn oo aadmıga oo dhan ay sı siman u harsadaan.Waa udub dhexaadka dowlad kasta oo aduunka horumartey ay ku taagan tahay.Bulshada oo cadaalad loo sameeya waxaa ka horeeya in marka hore nafteena aan cadaalad kula dhaqano. Akhristow sidee nafteena cadaalad ugu sameyn karnaa.

 

 

Waa adiga oo khaladkeeda iyo saxeeda maanka ku haya oraahda iyo ficilkana ka fiirsada waxkasta oo kugu hareereysana aad sı caadalad ah ula dhaqanto (Noolo dhamaantiis) Cadaaladdu waxa ay ka soo fuleysaa waaxyaha dowlada waxaana mar walba hooyo u ah maxkamada.Dunıda aan ku noolnahay waaxyaha garsoorka wadamada qaarkood waa kuwa xor ah waayo waxaa la rabaa ın garsoorku uu noqdo meesha ugu sareysa ee dadka lagu dhexdhexaadiyo cidna uu la jirsan balse uu cadaaladda uu la jiro iyo sida saxda ah.Xigmad Af-ingiriis ah ayaa oraneysa ruuxna kama sareeyo sharcıga ( NO ONE IS ABOVE THE LAW) Cadaaladda bulshada loo sameeyo waa tan abuuri karta qabyaalada Soomaaliya asageed ka reebtey iney meesha ka baxdo.Qabyaalada Soomaalidu in badan oo ka mid ah af ahaan ayeey u diidaan balse waxaa ka maqan iney ficil ahaan u diidaan.

 

 

Marka aan cadaaladda u hiilino kuna dhaqano waxa ay na fareyso, qaybyaaladu waan hubaa iney meesha ka baxayso balse madaama qabyaaladu ay noqotey xanuun aad u facweyn habeen iyo maalin gudaheed ku harimeyso balse haddii aan la quusan oo lagu dhaqmo cadaaladda waan hubaa ıney hareyso.Hadda ka hor ayaan sheeko waxaan ku maqley nin Soomaali ah ayaa jago Soomaaliya ka qabtey markaas ayaa reerkiisa u yimadeen ayaga oo raadinaya inuu jagada wax ka siiyo.

 

 

Waxa uu ugu jawaabay ruuxa aad wadaan muxuu bartey waxa ay yiraahdeen waxba balse tolnimo ayaan ku raadineynaa waxa ugu jawaabay nakala wada iina keena aqoon ıyo xırfad aan dadka la hortago.Kalmadaas maalintıı aan maqley ilaa maanta aan qoraalkaan qorayo marna maan keyga kama bıxın.Balse waxaan ku sifeeyey ruuxa kalmadaan yiri haddii ay jirto oo ay dhabtahay inuu ruuxaasi Soomaali tusaale fiican u horseeday balse Soomaalidu waa iney dhacdooyinka wanaagsan ay maanka ku hayaan sheeko,qoraal ıyo aruurina kula dadaalaan inta aan ka helayno madxafyo lagu aruuriyo taarııkhaha ku dayashada mudan.

 

 

Kalsoonida dadka Soomaaliyeed waa in laga shakheeyo waxaana kalsoonıdu heerka ay maanta joogto kor uga sara marin kara waa in cadaaladda ruux walba uu barto una hiiliyo waxa ay soo jeedisana dhana u dhaafin.In Soomaalidu caqligooda,aqoontooda ıyo khibradooda ay dalal shisheeyo la joogaan,ama xeryo qaxooti ay dantu ka dhigtey iney dugsadaan,ama baddaha u talabaan ama dalka gudihiisa diif iyo dayac ku nooladaan ogsoonow sheyga ugu muhıımsan aadmıga jiritaankiisa ayaa ceel uga dhacay taas ayaana sababtey.

 

CADAALADDU WAA DAAWADA KALIYE EE BULSHADA SOOMAALIYEED U BAAHAN TAHAY IN LAGU DHAYO.BALSE YAA DHAYIDA BILAABAYA ?

Akhristow haddii aan isla fahaney baahida bulshadeena iney tahay cadaaladda waxaan rabaa inaan meelkasta oo aan joogno dalka ıyo dadka aan u wada duceyno waayo hadalka wanaagsan iyo niyada saafida ah waxaa dhici karta iney ruux naga mid ah intey ka soo yeerto iney ku beegmato waqtı ducooyınku mustajaabo yıhıın.

Gabagabadıı balanteenu waa baadı goobka cadaaladda oo aan u raadino sidii dad dhulka macdan qaali ah ka goobaya oo kale balse ayada ayaa wax walba ka qaalisan nagana dhigi karta inaan gacmaha is qabsano is walaalsano isna ixtiraamno.

Waxaan soo dhaweynayaa fikirkiina ku saabsan qoraalka kor ku xusan.
Maxamed Cabdirasheed Jaratoos.
Guleed72@yahoo.com

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement