Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Guddiga –Doorashada Qaynuun ma aha lacagta ay ku xireen Xil-DHibaannada! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

{Ha la diido lacagtaas!..laaluusha yaan laynoo sharciyeyn!…
Keating ma wuxuu doonayaa
inuu laaluush ku qasbo Xil-DHibaannada!
Mase wuxuu doonayaa
muranka arrintaas
ka dhasha inuu Xasan
mudda kordhin qaynuun ah u noqoto!}
Siduu burburka u dhacay waxaa dabeecad iyo dhaqan iska noqday in qof kasta wixii isaga dantiisa ah uu qaynuun ka dhigo!… Wixii isaga la quruxsanaado uu qaynuun ka dhigo!…. laakiin arrintan iyo lacagta shuruudda looga dhigay qofka Xil-Dhibaanimmada isu soo sharaxaya ujeeddada laga leeyahay  ma aha wax danaha ummadda lagu saleeyay, waana ujeedo loo qaadan karo inay ka timid maskax Guumeysi oo diidan  in dalku yeesho Xil-Dhibaano tayo leh!….Waa Yaab!….Guddiga Doorashadu maxay ku shaqeeyaan oo qaynuun u ah?!….mise meel bay intay iska fariistaan waxay doonaan iska gaarayaan?!…. waa wax aad loo yaabo! Xil-DHibaannadu inay lacagtaas bixiyaan ma aha, sabab kasta guddigu ha ku sheego….Guddigu ha sheego sabab uu dadka ku qancin karo oo Xil-DHibaannada shuruuddaas loogu xiro!….
Waxaase iga su’aal ah 10kun oo dollar xaggee buu ka keenayaa Xil-DHibaanka?…bal guddigu ha ka jawaabo maxay ku saleeyeen in Xil-dhibaanku uu lacagtaas heli karo inta aan la gaarin bixinteeda?!….dakhliga qofka Soomaaliga ah ee maanta jooga Soomaaliya marka la fiiriyo, lacag intaas la eg ma lagu hamiyaa in uu is diiwaan gelin ku bixiyo?!  Sow arrintan wax uma dhimayso guddigu daacadnimmadiisa tilmaanna u noqon mayso inaan laysku haleyn karayn!…..weligeed waxaa jiray nin isa soo rashaxa oo xoolo loo qaaraamo!….Arrintan si laga baaraan-degay loogama fiirsan, Guddiga-Doorashada, sow uma eka inaysan dadka Soomaaliyeed la noolayn, ama aysan ka war qabinba xaaladda nololeed ee qofka Soomaaliga ah.
Gudoomiyaha Guddiga-Doorashada Cumar Max’ed Cabdulle, waxaad moodaa inuusan xaqiiqda dalka ka jirta ku noolayn, ama amar la soo siiyay uu ku shaqayniyo, ama uu rabo waxaan macquul ahayn oo isagu uu madaxa ku hayo waayo shuruudda uu wato baan macquul ahayn, wuxuuna runtii u egyahay nin Xasan SHiikh Max’ud uu soo magacaabay!…..Qareenka, Cumar-DHegeey waa inuu garowsadaa inuu hadda xilkiisu yahay heer Qaran oo ay arrintu ka duwantahay markii uu ahaa la taliyaha shakhsi ahaan madax-weynaha Xasan SHiikh Max’ud ee muddada kororsaday, sidaas daraadeed Qareenka waxaa la sugayaa inuu xaqiiqda hor taal uusan ka leex-leexan, oo isaga iyo xubnaha talada la wadaaga ay muddada kooban ee ay u xil-saaranyahay soo xulidda Xil-DHibaannada ay fursad siiyaan ummadda qofkii ay rabaan ay ku xushaan, ha u fiicnnaado ha u xummaado, waayo markii horaa Xasan SHiikh iyo Nicholas Kay ay si ku talo gal ah dad-weynuha ugu diideen codkooda dhiibtaan….
SHalay madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed iyo Cali Xaaji Warsame oo labadaba ah laba nin oo murashaxiin ah waxay si cad uga cawdeen dib u shaca maalin kasta doorashada ku imanaya ee ay guddiga doorashada iyagoo aan sheegin wax sabab ah leeyihiin doorashadii dib baan u dhignay! Cabashadaas iyo eedaha ay sheegayeen waxay mudnaayeen in guddoomiyaha ama haddii guddiga ay ka jawaabaan oo ay sheegaan haddii ay jiraan sababo ka qarsoon mucaaradka iyo dad-weynaha oo ay dib ugu dhigayaan doorashooyinka, hasa yeeshee guddiga waxaa la moodaa wax kasta inuu ka madax adaygayo. Waxaana hadal dhaba ah tuhunka mucaaradka ee ah arrintu inay tahay kororsiimo dadban.
Inta yare e aan ka baranay guddiga doorashada waxaa laga aqrisan karaa inay leeyihiin ama ay si shakhsi ah ugu shaqayniyaan dabeecadah iyo rabitaan ninka soo magacaabay ee Xasan SHiikh Max’ud. Hanaankaan lacagaha lagu xirayo inay bixiyaan Xil-DHibaannada isa soo sharaxayna waa mid salka ku haya fikrad shisheeye, looguna talo galay inuu abuuro shaki, muran iyo is-qab-qabsi lagu kala tago ama lagu kala caroodo, mana aha mid dhab ahaan sidaa xaaladda dabeecadda siyaasadeed ee Soomaaliya ay maanta tahay ay guddigaas ku dhiirran karaan inay soo jeediyaan….arrintan iyo talada uu guddigu soo jeediyay waa dib-u-dhac hor leh oo guddigaas uu dalka u geystay, ka dib 4sano oo burbur, isku dir, iyo fidno ah ee uu dalku so maray…
Nicholas Kay, Xasan SHiikh Max’ud, iyo Max’ed Cusmaan Jawaari, waxaa shaki la’aan ah inuu jiro barnaamij ay isku ogaayeen Michael Keating isagan loo xil saaray fulinteeda, waxaana loo qaadan karaa in arrinta ay hadda guddiga ku dhawaaqeen ay tahay qaybta ugu muhiimsanayd ee ay isku ogaayeen raggaas, Michael Keating, oo ah ninka ay mucaaradka u dacwoonayaana laga sugayo fulinteeda!…..waa arrin aan sahlanayn, waana arrin loo baahanyahay in la hor joogsado…Waxaa horay laynoogu fuliyay dhaqan aan aduunka dowlad ka jirta oo ku dhaqanta aysan jirin oo ah in nidaamkeena siyaasadeed sal-dhig looga dhigo Beelo iyo Qabiil (4.5) ilaa layna gaarsiiyay heer ilmaha yar-yar aysan aqoon wax la yiraahdo Soomaaliya laakiin ay garnnayaan Beelaha!….ilaa layna gaarsiiyay heer aynaan waligeena dib isu aaminayn….Maanta waa heerkii ugu dambeeyay oo ah in layna baro laaluushka mas’uuliyiinta, musuqmaasuqa, iyo boobka hantida qaranka inay yihiin wax caadi ah!…haddii taas laynaga waayana aysan doorasho dhicin oo aan mar labaad kala qoqobnaantii iyo colaadihii dib ugu laabano!…..
Odayaasha-DHaqanka ee soo xulaya Xil-DHibaannada cusub waa inay ka hor yimmaadaan shuruudaha aan macnaha lahayn ee ku salaysan dulaynta dadkooda, haddii ay tahay midda ay hadda guddiga doorashada ku dhawaaqeen oo ay lacagta 10kun oo dollar ah ay ku xireen xubnaha isu soo rashaxay aqlaka hoose ama Golaha-SHacabka, iyo waliba wax kasta oo ay u arkaan in laga leeyahay dano guracan!…… waa yaab! Guddigu haddii uu dadka ka xariifsanayah ha fahamsiiyo wanaagga iyo dant ku jirta in Xil-DHibaannada isa soo rashaxay laga qaado ragga midkiiba10 kun oo dollar, haweenkana 5kun oo dollar!….waxaana Odayaasha-DHaqanka iyo dadk murashaxiinta ah aan kasugaynaa ama ugu baaqaynaa inay si cad uga hor yimaadaan talo kasta oo aysan ka muuqan danaha ummadda iyo dalka!
Waxaa intaas ka daran oo ka sii khatarsan lacaghaas waxaa lagu hagaajinayaa Dahab-SHiil!…dowladdii baa waxay aamini la’dahay bankigeedii, Dahab-SHiil iyo xawaaladaha kale midna xoolaha dowladda qaynuun ma aha in la dhigo, laakiin macaamil wuu dhex mari karaa ilaa la helo sharciyad habka ay dowladdu bankiyo gaar ah lacagaheed ku dhigan karto, oo waliba ay soo ansixiyaan Golaha-SHacabka!.. Sidaynu ka wada war hayno .ilaa bishii Augusta laba jeer baa lacago laga xaday Bankiga-DHexe ee dowladdu maamusho oo aan cidna loo qaban iyadoo waliba tuugadii lacagahaas xaday qaarkood la magacaabay!…..

Iyadoo aan runtii lagu kalsoonaan karin hay’adaha qaynuunka iyo gar-soorka, waxaa Odayaasha-DHaqanka, Murashaxiinta raba inay ka mid noqdaan aqalka hoose ama golaha shacabka, iyo guud ahaan Murashaxiinta u tartamaya xilka mdax-weynenimmada DHammaantood la gudboon inay diidaan go’aanka uu Guddiga Doorashada ku dhawaaqay ee la xiriira in murashaxiinta aqalka hoose u tartamay ay ragga bixiyaan 10Kun oo dollar, haweenkana 5kun oo dollar, lacagtaas oo loogu yeeray Is-Diiwaan Gelin! Arrintan si cad oo aan madmadow ku jirin u hareer marsan wax kast oo qaynuun ah oo uu dalku leeyahay ayaa Xeer-ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ay ahayd kaalintiisa inuu cadeeyo waafaqsanaanteeda xeerarka dalka u yaal ama uu laalo, hasa ahaatee aamusnaantiisa waxay ka marqaati kacaysaa oo keliya inuu raali ka yahay in qofku ka sareeyo waxa ummaddu ku heshiisay ama qaynuunka dalka.

Nin kasta wuu u jeedaa arrintan waa mid aan ujeeddo fiican laga lahayn isla markaasna aad moodo in loogu gogol xaarayo musuqmaasuqa iyo laaluushka in la oggoleysiiyo Xil-Dhibaannada! Waayo, ninka raba inuu Xil-DHibaan noqdo ee isa soo rashaxaya lacagtaas ma haysto, haddii uu haystana ma aha mid si qaynuun ah loogu leeyahay, marka waxaad moodaa in Guddiga-Doorashada uu ku talo galay in nimanka isu soo rashaxay Xil-DHibaanimmada  ay ku qasbanaadaan inay oggolaadaan inay laaluush ka qaataan nimanka u tartamaya xilka madax-weynenimmada si ay u buuxiyaan shuruuddaas lacag bixinta ah laaluushkana u noqdo mid sharci si markii horaba lagu talo galay!!…. waa Xil-DHibaannadii dalka, waa u adeegayaashii dalka, in dalka loo adeego ilaa heer nafta loo baxsho waa waajib! Waa sharaf!…Balse aan is weydiinee Xil-DHibaanka ma kursigaa laga iibinayaa?!… Mid fikir badan u baahan ma aha in guddigu arrintaas ku talo xummaaday, sida aan soo sheegnayba waxaa iyadana aan meesha laga saari karin in taladaas ay ka timid dalalka shisheeyaha ah ee maalin kasta innagu qasba wixii dantooda sharci u noqon kara! Maantana waxy gaareen inay yiraahdaan ninkii Xil-Dhibaan Soomaaliya ka noqnaya Laauush Ha Qaato, oo ujeeddada ka dambaysa ay tahay berri yuusan hadlin!….Nimaan Kuu Furi Doonin Yuusan Kuu Rarin!

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement