Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Soomaaliya oo Wacdaro Ka dhigtay Orodka 5000 Miter ee Rio

Rio-( Rajonews )-Magaalada Rio ayaa indhaha caalamka maanta ay kusii wada jeedaan, iyadoo orodka 5000 miter ee ciyaaraha Olobikada halkaas ay ka dhacayaan.

Dalkeena Soomaliya ayaa waxa uu u ahaa muhiimad gooni ah tartankii galabta, iyadoo wiilka 20 jirka ah ee Mohamed Daa’uud Mohamed uu u ordayay dalkeena Soomaliya.

Mohamed oo wuxuu nasiib u helay inuu ka qeyb galo 25-ka nin ee orodka qeybtiisa hore ordayay, isagoo kaalin wanaagsan ka galay.

Soomaliya ayaa waxaa ay ka gashay gaalinta 24-aad Orodka, waxaa Mohamed uu sameeyay rikor aad u fiican marka la qiimeeyo daqiiqadaha uu ku orday.

Mohamed ayaa galay kaalinta 24-aad ayaa ku orday 14,daqiiqo 57 ilbiriqsi iyo 84 dhururuq, kasoo ahaa rikoor aad u fiican

Mo Farah oo isna asal ahaan soomali ah una ordayay Great Britian, ayaa galabta ka galay kaalinta sadexaad waregiisa, lakiin waxa uu usoo gudbay wajiga labaad ee Ordka,madaama shanta orodyahan ee ugu horeysa wareegiisa la qaadanayay.

Guud ahaan isku darka labada qeyb ee orodka oo ay ka qeyb galeen 50-orodyahan ayaa Soomaliya wiilka u ordayay waxa uu ka galay kaalinta 47-aad.

Waa Kan Qaabka Jadwalka kala sareynta Iyo Booska uu Guud ahaan kujiro Mohamed Da’uud Mohamed

soomaliya

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement