Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xulka K/cagta Puntland oo ka careysiiyey taagerayaashooda ku sugan magaalada Garoowe

Muqdisho-( Rajonews )-Kooxda Puntland oo ku guuleysatay koobkii xulalka maamul goboleedyada dalka ee maalmo ka hor la soo gebagebeeyey ayaa ku xaniban magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Puntland ay labo jeer ka baaqdeen safar ay uga duuli lahaayeen Muqdisho sababo la xiriira iyadoo la waayey dayuuradihii gaarsiin lahaa magaalada Garowe.

Maadaama aysan jirin dayuurado si toos ah ugu kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe ayaa kooxda waxaa lagula taliyey iney raacaan dayuurado ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo, halkaasna ay ka raacaan gaadiid gaarsiiya Garowe hase ahaatee ciyaartoyda kooxda Puntland ayaa diiday.

Taagerayaal jadbeysan oo kooxda Puntland ku sugaya Garoowe ayaa si weyn uga carooday dib u dhaca dhowrka jeer ku yimid safarkii kooxda, iyagoo sheegay in haddii safarka kooxdu uu soo daaho ay taasi sababi karto iney qabowdo xamaasada ay u hayaan kooxda.

Masuuliyiinta horkaceysa kooxda Puntland ayaa sheegay iney magaalada Muqdisho ka dhoofayaan maalinta beri oo Axad ah, iyagoo ugu baaqay taageerayaashooda ku sugaya Garoowe ineysan niyad jebin.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement