Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Rabshado ka dhacay Ciyaartii u dhexeysay xulalka Croatia iyo Czech + SAWIRO

Paris-( Rajonews )-Taageerayaasha xulka kubada cagta ee Croatia, ayaa xalay qal qal galiyay ciyaar xiiso badneed oo u dhaxeesay Xulalka Croatia iyo Czech Republic, kadib markii Ciyaarta oo socota ay taageerayasaha bulaleer kusoo tuureen gudaha garoonka.

Garsoorihii ciyaarta dhax dhaxaadinayay ee Mark Clattenburg, ayaa ciyaarta joojiyay mudo daqiiqado ah si garoonka looga saaro buulaleerka holcayay ee lagu soo tuuray, waxa uuna ciyaartoyda isugu geeyay hal goob si ay uga fogaadaan in ay waxyeelo soo gaarto.

War kasoo baxay xariirka kubada cagta ee UEFA, ayaa lagu sheegay in maanta oo sabti ah ay bilaaban doonaan baaritaano qoto dheer oo ku aadan rabshadii ay sameeyeen taageerayaasha xulka kubada cagta ee Croatia.

Waxaa laga cabsi qabaa in xulka Croatia, ay ciqaab xoogan ku mutaan waxii ay sameeyeen taageerayaashooda, waxaana horey tagaeerayasha xulkan loogu hestay foodo kale ay ka sameeyeen ciyaartii u dhaxeysay Croatia iyo Turkiga.

Tartanka Qaramada Yurub ee kasocda dalka Faransiiska ayaa waxaa hareeray rabashado aad u xoogan ay sameenayaan taageerayaasha wadamada ka qeyb galaya tartankan, waxaana horey Faranasiiska looga tarxiilay taageerayaal ku lug lahaa rabashadhii u dhaxeeyya Taageerayaasha Ruushka iyo England.







Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement