Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Messi oo ka fariistay ciyaaraha Caalamiga, markii uu ku fashilmay Copa America

Chile-( Rajonews )-Lionel Messi oo shan jeer ku guuleystay Laacibka Adduunka ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga, kadib markii xalay xulkiisa uu ku guuldareystay inuu qaado Koobka Qaramada Latin America ee Copa America.

Messi ayaa sabab u ahaa in xulkiisa laga qaado Copa America, markii uu khasaariyay rigooradii koowaad, isagoo ka faa’ideysan waayay tii uu khasaariyay ciyaaryahan Vidal.

Ciyaaryahan Messi ayaa la ilmeeyay guuldaradii xalay xulkiisa Argentine ka soo gaartay Chile, markii labo jeer oo isku xigta laga qaaday Koobka.

Messi oo ahaa Kabtanka Argentine saddexdii jeer ee laga qaaday Koobabka ayaa u cadeeyay Saxaafadda inuu ciyaaraha ka fariistay, isagoo ay tiiraanyo ka muuqatay.

Xidigan u ciyaara kooxda Barcelona ayaa wax koobab ah u qadin xulkiisa Argentine, waxaana saddex jeer uu keenay xulkiisa Finalka.

Argentine ayaa laga qaaday Copa America labo sano oo isku xigta oo kala ah sanadihii 2015 iyo 2016, waxaana looga guuleystay rigoorayaal.

Messi-oohin

Sanadkii 2014 xulka Jarmalka ayaa ka qaaday Argentine Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil, waxaana Messi uu xilligaas ahaa hormuudka xulka.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement